4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2018
Maxaabiis laga sii daayey Xabsiga dhexe ee magaalada Jigjiga

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaray dawalad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegayaa in maxaabiis tiro badan oo xabsiga dhexe ee Jigjiga laga siidaayay manta.

Maxaabiistani ayaa waxay  isugu jireen culimo iyo maxaabiis kale oo dambiyo lagu waayay, waxaana lagu siidaayay is afgarad dhanka culimada Soomaaliyeed iyo Dawladda Degaanka Soomaalida Itoobiya dhex maray,

Waxaan la diyaariyanayaa maxaabiis kale oo fara badan oo iyagana la siidaynayo dhawaan, sida ay ii sheegeen dadkii la soo daayay qaarkood oon la kulmay,

Dhan kale shil gaadhi oo ka dhacay Jidka u dhaxeeyay Baabili iyo Jigjiga oo uu ku dhintay hal qof saddex kalena ku dhaawacmeen, qofka dhintay wuxuu ahaa qof wadada marayay oo gaadhigu uu islahaa ka weeco kaddibna uu jiidhay halkaana ku dhintay gaadhigii ayaa intaa kaddib dhinaca ku dhuftay buundo qarqarkeeda waxaana gabi ahaanba burburay shidhkii gaadhiga.

Gaarigaas ayaa ahaa nooca Isuzu nooca Jaadka lagu qaado, wuxuuna usii socday dhanka Jigjiga. Dhaawicii waxaa loo qaaday dhanka Harar oo lagu dawaynayo