4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Guddoomiyihii hore ee degmada Buula-burte oo goor dhaw lagu dilay magaalada Beledweyne

 

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay guddoomiyihii hore ee degmada Buula-Burte Cabdi Iidoow Sabriye xiliggii dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dilkan oo ka dhacay Xaafadda Xaawo-Taako ayeey goob joogayaal sheegeen in marxuumka la toogtay xili uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha.

Allle ha u naxariisteen Cabdi Iidoow Sabriye ayaa  sanadihii ugu danbeeyayba  ka mid ahaa Culimada Tabliiqa oo siweyn uu caan uga dhax ahaa,.

Saraakiisha laamaha Amniga ayaa sheegay in la wado baaritaanno la xiriira dilka

Hiiraan Online