4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku caariday xeebta Boosaaso

 

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta degmada ay ku caariday Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Doontaan ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in ay u rarnayd ganacsato Soomaali ah, ayna ka timid dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana ay sidaa raashin iyo gawaari sida saraakiil ka tirsan Puntland ay xaqiijiyeen.

Ganacsatada ay Doontan u rarneyd ayaa sheegay in hantida saarneyd ay gaareyso ilaa $7 Milyan oo dollar, iyadoo siday agab isugu jiray gadiid iyo raashin.

Waxaa ay intaa ku dareen in ay in loo diiday dekedda inay kusoo xirato inkastoo aan taasi si madaxbannana loo xaqiijin.

Maamulka dekedda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari wali kama aysan hadlin arintaan ku saabsan doontaan soo caarisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]