Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah
ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si
heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga,
Fanka iyo Suugaanta oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka guud ee Ururada
Shaqaalaha dawladda.
Xaflada ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka Ururka oo
sanad jirsaday iyo u mahad celinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Khayre oo
ahmiyad wayn siisay shaqaalaha dawladda.
Waxaa ka qeybgalay Munaasabaddan Wasiiro, Xildhibaano, Xiriirka guud ee ururada Shaqaalaha
dawladda iyo qaybaha kale ee bulshadda, ayaa ugu horayntii lagu soo bandhigay
waxqabadka xiriirka guud oo sanad jirsaday, waxaana sidoo kale la soo bandhigay
shakhsiyaadkii howl karnimada muujiyay mudadii uu jiray ururku, iyagoona goobta
lagu gudoonsiiyay Shahaado sharafyo.
Wasiir ku
xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Xil- Cabdicasiis Saalax Carmaan, ayaa ka mahad
celiyay ka soo qaybgalka ra’iisul wasaaraha ee munaasabadan, wuxuuna shaqaalaha
ku dhiirigaliyay in ay labalaabaan dadaalkooda, ayna hormariyaan waayo
aragnimadooda iyo khibradooda shaqo si dalka uu hormar u gaaro. Sidoo kale
waxaa xafladda ka hadlay madaxda ururada shaqaalaha kala duwan, Wasiirka maaliyadda
Soomaaliya ayaa isna ka sheekeyay taariikhda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hadafka xukuumadiisu uusan ahayn oo kaliya
bixinta mushaaraadka shaqaalaha dawladda, balse uu yahay in ay shaqaalaha
qaranka gaarsiiso in ay awood u yeeshaan qabashada shaqadooda. Wuxuuna bogaadiyay
shaqaalaha sida ay ugu dhabar adeegayn waqtigii adkaa ay soo mareen.
“Waa in dalkeena
uu noqdaa sidii uu ahaan jiray iyo ka siifiican, taasna waxaa inoo sahli kara
anagoo dadaal dheeraad ah samayna. Marka waa in aad Indhihiina kala furtaan oo
la timaadaan shaqo hufan iyo dhiiranaan.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaae
Khayre ayaa tilmamay in ay Soomaaliya tahay markii ay ugu rajadda wanaagsanayd,
Beesha caalamkuna ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan dawladda. Waxuuna ka
soo qayb galayaasha kula dardaarmay in ay mar walba muhiimadda siiyaan danta
guud ee dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]