4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Garaad Cali Buraale oo lagu assay magaalada Laascaanood


Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Aas siweyn loo agaasimey ayaa ka dhacay Xargega oo Waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood 8Km. kaddib markii amarka Rabbi ku haleelay Garaad Cali Buraale Sade maalmood ka hor.

Alaska Garaadka oo ay ka soo qaybleen inta badan madaxda dhaqanka degaanka, Culimada, Madax kala duwan iyo kumanaan dadweyne ah ayaa waxaa so buuxda loo qiray in uu ahaa Ehelu Janno.

Garaadka oo ay madaxda dhaqanka ee aaska ka soo qaybgalay ayaa ka sheekeeyey Aaska ka dib hawlihii muhiimka ahaa ee uu bulshada Degaanka u qabtay.

Garaad Cali Buraale Alle naxariistiisa hawgu roonaadee ayaa dhisay xarun lagu koriyo waxna lagu baro Agoonta, taas oo ay ka aflaxeen kumanaan agoon ah, iyadoo ilaa had a furan oo ay Ku jiraan 300 oo lagoon ah, waxaana la sheegayaan in caruurtiisa oo kaashanaya qurbajoogta Degaanka ay sii wadi doonaan hawsha uu baneeyey Garaadku.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool