4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo gaaray gobolka Gedo

 

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay halkaa gaareen saraakiil sar sare iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Cismaan Nuur Xaaji guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Shabaab oo ka yimid Jubbooyinka ay soo galeen deegaano ka tirsan Gedo.

“Dagaalyahano Shabaab ah ayaa meelo badan oo Gobolka Gedo ka mid ah soo galay, oo ay wehliyaan madaxdooda, waxaa deegaanada soo galeen ka mid ah Ceel Cadde, Kabis, Caracas, Golweyn iyo meelo kale oo ku dhow Garbahaarey”ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka Gedo oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in ay ka war heleen in saraakiisha soo gaaray deegaano ka mid ah Gedo uu ku jiro Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye.

Cculeyska ay Al-Shabaab soo saareen Gobolka ayuu sheegay in ay  la wadaageen Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageera.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]