3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 5 , 2018
Duqa Muqdisho oo joojiyay dhismaha dhul ku yaala agagaarka dekedda

 

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa amray in la joojiyo dhismaha ka socda dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa ku war-galiyay hay’adaha ay khusayso joojinta hawlaha dhismaha, isagoo tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in dhismayaal sharci darro ah laga sameeyo dhulalka danta guud.

Duqa Muqdisho ayaa faray maamulka degmada Xamar jajab in ay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismiisu socday waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey in ay tallaabo ka qaadaan cid walba oo isku dayda dhismaha dhulkan.

“Cid walba oo isku dayda in dhulka danta guud ay dhismeyaal sharci darro ah ka sameyso tallaabo ayaan ka qaadi doonaa, joojinta dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho waa tallaabo aan uga golleenahay in dib loogu soo celiyo gacanta dawladda dhulalka danta ee ka maqan”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u joojiyay dhisme ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro oo ku yaala Isgoyska Ceelgaabta, waxana ay tallaabadani qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo maamulka ku doonayo in dib loogu soo celiyo dhulalka danta guud ee sida sharci darrada ah loo dhisanayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/5/2018 8:06 PM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaray dawalad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegayaa in maxaabiis tiro badan oo xabsiga dhexe ee Jigjiga laga siidaayay manta.

2/5/2018 2:06 PM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)-Rag hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay guddoomiyihii hore ee degmada Buula-Burte Cabdi Iidoow Sabriye xiliggii dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

2/5/2018 12:41 PM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta degmada ay ku caariday Doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

2/5/2018 9:49 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha canshuur qaadista sanadkii tegay iyo kan hadda iyo qaabka cusub ee wasaaraddu soo kordhisay.

2/5/2018 9:32 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo ay soo qaban qaabiyeen xiriirka guud ee Ururada Shaqaalaha dawladda. xafladan ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka ururka oo sanad jirsaday iyo u mahad celinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Khayre oo ahmiyad wayn siisay shaqaalaha dawladda.

2/5/2018 8:38 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)–Dowladda Talyaaniga ayaa labo gaadiidka gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Booliska oo uu guddoomay Wasiiraka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

2/5/2018 7:02 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Aas siweyn loo agaasimey ayaa ka dhacay Xargega oo Waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood 8Km. kaddib markii amarka Rabbi ku haleelay Garaad Cali Buraale Sade maalmood ka hor.

2/5/2018 6:43 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay halkaa gaareen saraakiil sar sare iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

2/5/2018 2:50 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) oo ka tirsanaa mudaneyaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland islamarkaana xabsiga loo taxaabay 31- bishii Janaayo kadib markii baarlamanku sheegeen....

2/5/2018 1:23 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Inta la xaqiijiyay 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray Meydadkooda badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.

2/5/2018 1:07 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Saraakiil sarsare oo ka mid ah xisbiga haya tallada dalka dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu isku casilo si deg deg ah.

2/5/2018 12:56 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhex dhacay Guri ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile Gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen Saraakiisha laamaha ammaanka.

2/5/2018 12:45 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhismaha Golaha degaanka ee degmooyinka maamulka Hirshabeelle.

2/5/2018 12:36 AM EST
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho shir looga hadlaayo Amniga Qaranka kasoo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyadda.