4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Xildhibaan Axmed Taajir oo ku xirnaa Kismaayo ayaa dib xoriyadiisii u helay
Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) oo ka tirsanaa mudaneyaasha baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana xabsiga loo taxaabay 31-da bishii Janaayo, kadib markii baarlamanku sheegeen in ay xasanaaddii ka qaadeen, ayagoo ku eedeeynayay in uu ku kacay falal qalqal ku abuuri kara ammaanka, ayaa dib xoriyadiisii u helay.

Xildhibaanka oo xalay ka hadlay warbaahinta ku hadasha codka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uu iska casilay xubinnimadiisii baarlamanka,

“Anigoo ah xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir), ahna xildhibaan laga soo doortay degmada Afmadow ee Gobolka J/hoose, waxaan u sheegayaa shacabka aan matalo ee degmada Afamadow gaar ahaan, shacabka reer Jubbaland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, kadib markaan arkay kala aragti duwanaan soo noqnoqotay iyo khilaaf soo noqnoqday iyo xariggii la ii geystay 30-ka bisha 1-aad 2018, waxaan halkan ka cadeeynayaa in aan u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo horumarkooda,”ayuu xildhibaanku yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu go’aansaday in uu iska casilo xilkii xildhibaanimo ee uu u hayay shacabka reer Jubbaland, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu ka shaqeeyo wax walba oo lagu horumarinayo shacabka reer Jubbaland, una taagnaan doono ka shaqeynta wanaagga.

Xildhibaan Axmed Taajir ayaa inta aan la xirin ka hor waxa uu u ol-oleynayay mooshin ka dhan ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo sheegay in wasiiradu kasoo bixi waayeen howlihii loo igmaday sidaa darteedna isaga iyo in ka badan 20 mudane oo kale ay gudoonka baarlamanka u gudbiyeen mooshin xilka lagu kala dirayo golaha xukuumadda Jubbaland.

Intaa kadib baarlamanka Jubbaland oo fadhi yeeshay 30-ka Bisha Janaayo ayaa waxa ay sheegeen in ay xasaanaddii ka qaadeen xildhibaanka, ayagoo u cuskanayay dacwad ay baarlamanka ka hor aqriyeen gudiga anshaxa iyo xeerka ee baarlamanka, kuwaa oo mudanaha ku eedeeyay in uu jabiyay xeerar u yaallay baarlamanka, waxaana isla maalintii ku xigtayna Mudaaha loo taxaabay xabsiga.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.