4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo gole deegaan yeelanaya

 

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan dhismaha Golaha degaanka ee degmooyinka maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sheegay in degaanada maamulka Hirshabeelle hadda laga dhisi karo Golaha degaanka 10 degmo oo xor ah laakiin hadda ay qorsheynaayaan in ay sameeyaan dhismaha Golaha degaanka 5 degmo.

Wasiir Caadle ayaa xusay in ay Hirshabeelle ay diiradda saari doonto  dhismaha Golaha degaanka si dadka shacabka ay u doortaan maamulkooda.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa maamul goboleedyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxa ay wada wadeen Dhismaha Golaha degaanka, waxaana hadda laga hirgeliyay degmooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]