4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 5 , 2018
Shirka Amniga Qaranka oo ka furmaya magaalada Muqdisho

 

Isniin, Feberaayo, 05, 2018 (HOL)- Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho shir looga hadlaayo Amniga Qaranka kasoo u dhaxeeya Madaxda dowladda iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb gali doona Madaxda dowlad goboleedyadda.

Inta uu shirkan socdo ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay Shirarkii hore ee dhexmaray dowladda dhexe iyo maamulada.

Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho intooda, waxaana wali imaan Muqdisho madaxda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in Shirkaan uu socon doona muddo laba maalmood ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]