4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay gudaha guri ku yaala Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax caawa ka dhax dhacay Guri ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile Gobolka Banaadir.

Qaraxan laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha degmada ayaanan la ogeyn ilaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in uu ka dhex dhaco gurigaasi, balse baaritaano ayaa socda.

Guriga qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad shacab ah, oo gurigaasi degnaa, kuwaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka oo wata gaadiidka dagaalka oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa gaaray halkaasi, waxayna xarumaha baaritsta u qaadeen dadkii ku waxyleelobay qaraxaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay guriga uu qaraxa ka dhacay, waxayna arrintan cabsi iyo wal ku abuurtay dadka degaanka, shacabka degan xaafadaasi ayaa guryahooda goor hore oo caawa ah ku xarooday, maadaama ciidamada ay wadaan baaritaano.

Goob jooge ayaa warbaahinta u sheegay in la maqlay mar kaliya jugta Qaraxa, waxaana wararku intaa ku darayaan in gudaha guriga lagu arkay meydadka dad aan tiradooda aysan sheegin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]