4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Duqa Muqdisho oo Shiinaha kala hadlay hormarinta caasimada

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo kamid yihiin shariikado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

Waxana ay isla soo qaadeen sidii caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ula tartami lahayd caasimadaha caalamka, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Yarisoow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid looga xaajoonayo sidii magaalada Muqdisho ay u heli lahayd maalgashi iyo horumarin ballaaran, si ay tartan ula gasho caasimadaha dalalka kale ee caalamka.

Isagoo tilmaamay in ay ka wada hadleen wax yaabaha mudnaanta gaarka ah ay siinayaan, dhankoodana balan qaadeen wax walba oo macquul ah in ay nagala shaqeynayaan.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha”. ayuu yiri Eng Yarisoow.

Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha.

Waxaana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]