4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Al-shabaab oo weeraray saldhig AMISOM ay ku leeyihiin Shabeellaha Hoose

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) - Dagaalyahano ka tirsan Al- Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka NO.60 ee Gobolka Shabellaha hoose.

Weerarka oo ahaa mid abaabulan ayaa Shabaab waxa ay laba jiho rasaasta uga bilaabeen ciidamada AMISOM ee Saldhigaasi degan, waxaana intaasi kadib isqabsaday dhawaqa rasaasta kala duwan oo dhinacyada ay iswaydaarsanayeen.

Ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh degaanka NO.60 ayaa iska caabiyay weerarka labada jiho ahaa ee Shabaab ay ku soo qaadeen Saldhigooda, waxaana ay ridayeen qoryo culus oo ay isaga caabinayeen weerarkaasi.

Lama oga khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray, laakiin wararka waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo weerarkaasi ka dhashay.

Dhinaca kale saaka aroortii ayaa Al Shabaab waxa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga ciidamada AMISOM ee deegaanka Danow Gobolka Shabellaha hoose.

Ciidamada AMISOM oo saaka la xaadirinaayay askarta shaqada ka bedelaysay kuwii xalay soo jeeday ayeey Shabaab madaafiic ku weerareen, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]