4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Waxbarashada dalalka soo koraya oo loogu deeqay balaayiin doolar

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) Madaxda Waxbarashadda dalalka caalamka  ayaa ka qeyb galaya shir caalami ah oo ka socda dalKa Senegal , kasoo looga hadlaayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashadda dalalka soo koraya.

Dowladda UK iyo sidoo kale dalalka Midowga  2.3 bilyan oo doolar ugu deeqay dalalka soo koraya si sare loogu qaado dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada dalalka soo koraya.

Dadka soo qabanqaabiyay shirkaasi ayaa waxaa ay sheegeen in kharashkaasi ay ku deeqeen wadammada deeqda bixiya uu yahay mid aad u sarreeya markii la barbar dhigo 1.3-da bilyan ee doolar ee waxbarashada lagu bixiyay saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

Dalalka soo koraya ayaa dhankooda waxaa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan lacagta ay ku bixiyaan waxbarashada.

Madaxa hay’adda caalamiga ah ee shirkaasi soo qabanqaabisay Alice Albright ayaa sheegtay in taageerada aan caadiga ahayn ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha lagu caawin doono ku dhawaad sagaashan dal oo caalamka ku yaal.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonaan shirarka nuucaan oo kale ah.

BBC