4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Dad loo xirxiray Wiil Soomaaliyeed oo lagu dhaxdilay Xabsi ku yaala magaalada London

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Dowladda Britian ayaa la sheegay in 4 Qof u xirtay dilka Khadar Saalax oo ahaa wiil Soomaali ah oo lagu dhex dilay xabsi ku yaalla Galbeedka magaalada London.

Wiilkan ayaa la dilay 3 maalmood ka hor,waxaana loo soo qabtay afar qof oo labo ka mid ah ay soomaaliyihiin,kuwaas oo xabsiga dhexdiisa Middi kula dilay.

Axmed Kheyre, Khaliif Dhibaseey iyo Enton Marku, ayeey markii hore gacanta ku dhigeen ciidanka kuwaas oo lagu eedeeyay dilka.

Sidoo kale booliska ayaa qabtay qof Afaraad, kaas oo isna lagu eedeynayo ku lug lahaa weerarka lagu qaaday Khadar Axmed Saalax oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga Wormwood.

Laamaha amniga ee Galbeedka London ayaa sheegay in lixda Bishan oo Talaado ku beegan Maxkamad la soo taagayo afartaasi qof ee loo heysto dilka Maxbuus ka mid ahaa kuwa xabsiga Wormwood ee Galbeedka London.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]