Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Dowladda Canada ayaa todobaad ka hor qoys
Soomaaliyeed oo kunool dalkaasi , waxaa ay ka qaadatay 10 caruur ah oo ay
heysteen ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku guul dareysteen Shuruudaha
caruurta dalkaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Carruurta oo ay wehliyaan Booliska Canada
ayaa qoyskan ugu tagay gurigooda iyaga oo ka qaatay mar kaliya Toban Carruur ah
oo ay dhaleen, waxaana sidoo kale la xiray Labada Waalid ee Carruurta.
Aabaha Soomaaliyed ee dhalay Carruurtaasi Cabdi Kaafi Cosoble ayaa warbaahinta u sheegay in
todobaad kaddib dib loogu soo celiyay 8 ka mid ah Caruurta kaddib dadaal ay
sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.
Waxaa uu intaa ku darray in Wasaaradda Xanaanada
Carruurta ay ka dambeysay in laga qaato Carruurta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda ay ka maqan yihiin labo ka mid ah
Carruurta laakiin ay rajo ka qabaan in dib loogu soo celiyo.
Soomaalida kunool dalalka ku yaalla Yurub iyo America ayaa inta badan waxaa
dhacda in laga qaato carruurta ay ku heystaan dalalkaasi markii ay isku dayeen
in ay canaantaan ama ay baraan diinta iyo dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]