4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Kenya oo loogu baaqay in ay ilaaliso xoriyada Warbaahinta

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqday in ay tixgeliso ammarka ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka, dibna u howl geliso warbaahintii hawada laga saaray dhawaan.

Dowladda Kenya ayaa albaabbada isugu dhufatay Taleefishinnada kala ah ,Citizen, NTV Inooro iyo KTN, markii ay baahiyeen dhaarintii Railla Odinga loo dhaariyay inuu Kenya ka yahay madaxweyne, xilli doorasho ku celis ahayd oo dhawaan ka dhacday dalkaasi looga adkaaday xisbiga uu hoggaamiyo ee NASA.

Dowladda Maraykanka, iyo Midowga Yurub ayaa horay ugu soo jeediyay xukuumadda Kenya inay dib u howl geliso warbaahinta ay xayiraadda kusoo rogtay, iyagoo ugu baaqay inaanan la caburin xorriyadda saxaafadda kuna xadgubin xeerka ka yaalla warbaahinta caalamka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada dalka Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladdooda inay jebisay sharciga dhigayaa in warbaahintu ay leedahay xorriyad, taasi oo ay horay u ballanqaaday dowladda haatan ka arrimiso Kenya inay ilaalin doonto xorriyadda saxaafadda.

Dowladda Kenya ayaanan weli u hoggaansamin ammarka Maxkamadda sare ee dalkaasi iyo baaqa ka imaanaya Qaramada Midoobay iyo waddamada saaxiibbada la ah Kenya, waxaana Maalintii Saddexaad hawada ka maqan qaar ka mid ah Taleefishinnada ugu caansan gudaha dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]