3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2018
Shir Dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho

 

Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa dhawaan uu shir uga furmo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka kaa oo looga wada hadli doono arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa la sheegay in labada dhinac ku falanqeyn doonaan arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaran, wadaaga kheyraadka, dib u eegista dastuurka, hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Ilaa iyo maanta ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada.

Beesha Caalamka ayaa dareensan inay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee dhex maray Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhacay bishii November ee sanadkii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/4/2018 12:25 PM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax caawa ka dhax dhacay Guri ku yaalla xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile Gobolka Banaadir.

2/4/2018 9:46 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL)- Maalmihii ugu danbeeyay waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka jirto xiisad ka dhalatay xildhibaan dhawaan xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay in uu danbi ka gallay maamulka.

2/4/2018 7:18 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo kamid yihiin shariikado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

2/4/2018 5:12 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa ka qeybgalay shir wasiirada arrimaha Dibadda Carbeed ay kaga tashanayeen waxaa ka dhashay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku aqoonsaday magaalada Qudus “Jerusalem” in ay tahay caasimadda Israel, waxaa kulanka golaha wasiirada carbeed ka hadalka ajandahaasi soo gudbisay dowladda Falastiin “Palestine”, kaa oo ka dhacay magaalada Qaahir ee dalka Masar.

2/4/2018 3:33 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL)-Dagaalyahano ka tirsan Al- Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen Saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka NO.60 ee Gobolka Shabellaha hoose.

2/4/2018 1:06 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) Madaxda Waxbarashadda dalalka caalamka ayaa ka qeyb galaya shir caalami ah oo ka socda dalKa Senegal , kasoo looga hadlaayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashadda dalalka soo koraya.

2/4/2018 1:00 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Dowladda Britian ayaa la sheegay in 4 Qof u xirtay dilka Khadar Saalax oo ahaa wiil Soomaali ah oo lagu dhex dilay xabsi ku yaalla Galbeedka magaalada London.

2/4/2018 12:57 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Dowladda Canada ayaa todobaad ka hor qoys Soomaaliyeed oo kunool dalkaasi , waxaa ay ka qaadatay 10 caruur ah oo ay heysteen ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku guul dareysteen Shuruudaha caruurta dalkaasi.

2/4/2018 12:45 AM EST
Axad, Feberaayo, 04, 2018 (HOL) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqday in ay tixgeliso ammarka ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka, dibna u howl geliso warbaahintii hawada laga saaray dhawaan.