3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2018
Soomaliya oo kaalinta koowaad ka gashay wadamada ku caanbaxay musuqmaasuqa

 

Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Soomaliya ayaa mar kale 11 sano ii xigta kaalinta koowaad ka gashay qiimeynta wadamada ku caanbaxay musuqmaasuqa kaddib warbixin ay soo saartay hay'adda Transparency International.

Liiska ay hay’addu soo saartay ee dalalka ugu musuqa badan dunida waxaa kaalinta 1aad kaga jira Soomaaliya.

Liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda iyo xukuumadaha oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa.

Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay , waxaana la siiyay dhibo dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Sudanta Koonfureed.

Is bar bar dhig lagu sameeyay Soomaaliya sanadkii 2016ka iyo sanadkan aynu ku jirno ee 2018ka Soomaaliya waxaa muuqata in 10 dhibcood ay hoos uga sii dhacday halkii ay markii hore joogtay.

Ma jirin dal helay dhammaan boqolka dhibcood, waxaase 89 helay dalka New Zealand, halka Finland iyo Denmark ay heleen 88 iyo 85 , kuwaas oo ah dalalka ugu musuq maasuqa yar yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/22/2018 3:24 PM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey.

2/22/2018 10:44 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay gaadiid qaraxyo sida oo ku jira magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka feejignaan sare la geliyay.

2/22/2018 9:08 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta masuuliyiin cusub u magaacaabay qaar ka mid ah hay’adaha dawladda.

2/22/2018 7:26 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Waxaa duhurnimadii maanta oo Khamiis ah ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ra'iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu

2/22/2018 6:42 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay xuska sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

2/22/2018 4:08 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) – Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti ay ka dhacdo doorashooyinka baarlamaanka dalkaas, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

2/22/2018 3:45 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Wararka ka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab.

2/22/2018 2:56 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)- Donald Trump Madaxwaynaha dalka Mareykanka ayaa soo jeediyay in macallimmiinta oo la hubeeyo ay mustaqbalka ka hortagi karto toogashiinka ka dhacda iskuulada Mareykanka.

2/22/2018 2:50 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan uu Qasriga madaxtoyada Jabuuti kula qaatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen howlgalka ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah midowga Africa AMISOM.

2/22/2018 1:20 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay duqeyn 19kii bishan Maalintii Isniinta ka dhacday meel u dhow degmada Jillib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe in ay ku dileen xubno ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

2/22/2018 12:50 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka Soomaaliyeed , kuwaasoo aan ku dhicin Qasnadda dowladda.

2/22/2018 12:41 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 22, 2018 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka sii deysay ilaa 1, 500 oo maxaabiis ka tirsanaa Ururka ONLF, kaddib wada hadalo magaalada Nairobi ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan xukuumadda Itoobiya iyo xubno ka socda Ururka mucaaradka ah ee ONLF.