Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Garoonka
diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw oo maanta ah laga soo dajiyay 11
tahriibayaal Soomaaliyeed oo muddo dheer ku dhibaateysnaa dalka Libiya.
Maryan Yasiin oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u
qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta
lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha
arxanka daran ee magafayaasha loo yaqaan.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in
tani tusaale u tahay sida ay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uga go’an
tahay samata-bixinta iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay
sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku
dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo Guddi loo saaray arrintaas oo uu
hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Cali
Fiqi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]