4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 17, 2018
Waxgaradka Shabeellaha Hoose oo dhaliilay howlgalada ciidamada dowladda

 

Sabti, Feberaayo, 17, 2018 (HOL) - Waxaa soo baxaya dhaliillo loo jeedinayo howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Africa AMISOM ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxgaradka iyo odayaasha gobolka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobolka marka ay ciidamada dowladda deegaan la wareegaanba soo dhaweeyaan, laakiin marka danbe ciidamada dib uga gurtaan goobihii ay qabsadeen taasoo dhibaato Amni ku ah dadka shacabka.

Suldaan Cali Shariif oo ka mid ah waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan u rooneyn howlgallada ay waddaan ciidamada.

‘’Waxaan leenahay dowladda ma wanaagsana in shacabka iyo Al-shabaab leyska horkeeno, waayo shacabka oo u hamuun qaba dowladnimada marka ay arkaan ciidamada oo ay soo dhaweeyaan in haddana dib deegaannadii looga baxo arin wanaagsan ma’aha ayuu yiri Suldaan Cali Shariif.

Wuxuu sheegay in qeybo ka mid ah deegaannadii ay dhawaan tageen ciidamada dowladda shacabkii ku dhaqnaa qaarkoodna la xirxiray kuwa kalana sida uu hadalka u dhigay loo geystay jir dil iyada oo lagu eedeynayo in ay taageero u yihiin dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa ayaa inta badan dib uga soo gurta deegaannada ay kala wareegaan Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]