4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Madaxweynihii Koonfur Africa Jacob Zuma oo goor dhaw xilka iska casilay

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Daqiiqado ka hor waxaa xilkii madaweynaha dalka Koonfur Africa iska casilay Jacob Zuma oo muddo dheerba uu saarnaa cadaadis arintan ku saabsan oo uga imanayay xisbigiisa.

Madaxweyne Zuma ayaa la sheegay in uu dhaxda uga jiray fadeexad musuq maasuq, mar uu Arbacadii ka hadlay hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in uusan sameynin wax khalad ah, ayna jirin sabab uu xilka uga dego.

Xisbiga ANC ayaa horay u sheegay in haddii Mr Zuma uu ku guuldarreysto inuu iskii isaga dhiibo xilka si khasab ah xafiiska looga saari doono oo baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaadi doono in lagala laabto codka kalsoonida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]