4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Morgan Tsvangirai oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Koonfur Africa

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) – Hoggaamiyihii  mucaaradka dalka  Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa lagu waramayaa in uu daqiiqado ka hor ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga MDC.

Mr Tsvangirai, oo ah 65-jir, oo ra’iisal wasaare ka soo noqday dalka Zimbabwe, ayaa la sheegay in uu ku dhacay ama uu u dhintay cudurka Kansarka caloosha ku dhaca oo muddo ku dhawaad labo sano ah oo uu la xanuunsanaa.

"Waxaa uu geeriyooday fiidnimadii caawa, qoyskiisi ayaan la wadaagnay warka arintan ku saabsan ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka MDC Elias Mudzuri oo u waramay Reuters.

Tsvangirai ayaa muddo dheer soo ahaa caqabad siyaasadeed oo ku hor gudbanaa madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe.

Dhowr jeer ayaa la xiray,  Tsvangirai waxaa uu ku  dhashay 1952 tuulada Buhera, qiyaastii 200 kiiloomitir koonfur caasimadda Harare.

Waxaa la xiray sanadkii 2000 isaga oo lagu eedeeyay in uu isku dayay dilka madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe, laakiin Kiiska ayaa markii danbe waxaa baabi’isay maxkamada.

Warkan oo goor dhaw uun ay heshay Hiiraan Online  faah faahintiisa waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]