4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Duqa Muqdisho : Ma aqbali doono in la qaato dhul dan guud ah

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa go’aanno adag ka soo saaray isqab qabsiga dhulalka ee ka jira magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in mamaulkiisa uusan aqbali doonin in xoog lagu kala heysto dhulalka magaalada Muqdisho, sidoo kalena awood aanan loo sheegan doonin dadka danta yar ee ku nool Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay muddada kooban ee uu joogo xafiiska gobolka in uu il gaar ah ku fiirin doono arrimahan, wuxuuna tilmaamay in dhulalka danta guud aanan loo adeegsan doonin dan gaar ah.

“Waad la socotaan arrimaha dhulalka oo dhibaatooyin badan ay ka jireen, oo dhulal dan guud ahaa aan talaabo ka qaadnay, welina aan ku raadjoogno inta dhiman, waxaanan aqbali doonin in qof Bani’aadam ah lagu xad gudbo, ma aqbali karno in la qaato dhul dan guud ah,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta lagu soo dhaweynayay maamulka cusub ee gobolka oo Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ka qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaanno Dowladda Federaalka ka tirsan.

30-kii January 2018 guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa warqad uu soo saaray si rasmi ah ugu joojiyey dhismaha ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel Gaabta ee degmada Xamar jajab.

Waxaa kaloo jirtay in Duqa magaalada Muqdisho uu warqad rasmi ah ku joojiyey 5-tii February 2018 dhismaha ka socday dhulka ka soo horjeeda Dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar-Jabab, kadib markii uu warbixin ka dhageystay waaxda dhul bixinta ee gobolka Benaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]