Arbaco, Feberaayo, 14, 2018
(HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali
Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku
xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la
yeeshay Safiirka dalka France u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti
uu hogaaminiyo.
Kulankan oo ka qabsoomay
xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayay mas’uuliyiintu ka wada hadlayn
xoojinta iyo wadashaqaynta labada dawladood iyo sidii uu wadanka Faranse uga
qayb qaadan lahaa xasilinta amanigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarka
guud ee wadanka.
Safiirka France u qaabsilsan
arrimaha Soomaaliya Antoine SIVAN ayaa dawladda ku bogaadiyay horumarka ay
samaysay mudadii ay jirtay iyo sida ay ugu dadalayso in laga cafiyo daymaha
mudada dheer lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo u sahlaysa in ay la jaanqaado
wadamada horumaray hadii laga cafiyo daymaha.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa
tilmaamay in xukumadiisu ay si wayn uga shaqaysay xoojinta iyo dardargalinta
arrimo dhowr ah oo ay ka mid yhiin maaliyadda, Amnigga la dagaalanka
musuq-maasuqa iyo ciribtirka argagaxisada.
“Soomaaliya uma baahana oo kaliya in lagu taageero lacag,
balse waxay doonaysaa in lagala shaqayo sidii looga dhaafi lahaa daymaha. Sidoo
kalena shacabkeeda loogu abuuri lahaa adeegyo Caafimaad, Waxbarasho iyo jidad
casriya” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.
Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladda ay ku
dadaalayso habkii looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay dalka,waxuuna u soo
jeediyay in dalka France uu qayb muhiim ah ka qaato sidii dunidda loo tusi
lahaa soo kabashada iyo amniga ka jirta Soomaaliya, si uu caalamku uu maalgashi
uga samaysto Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]