4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Dhuxusha oo siweyn looga dhoofinayo dekedda magaalada Kismaayo

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) -Laga soo bilaabo Sabtidii aynu soo dhaafnay Warbaahinta Online -ka ayaa lagu arkayay muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhoofinta dhuxusha oo siweyn uga socta dekedda magaalada Kismaayo.

Dhuxul sidii buuraha u sameysan iyo Doomo u dhoofinaya dhinaca Bariga dhexe ayaa lagu arkaa dekedda, waxaana wararku sheegayaan in dhuxushan inteeda badan loo kala dirayo ama loo dhoofinayo dalal ay ka mid yihiin  Oman, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Gaar ahaan xiliyadii habeenkii ayaa la sheegayaa in si qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusha dekedda sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan.

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanado ka hor mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta.

Dowladda Federaalka oo horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista Dhirta ayaa wali ka hadlin arintan.

Dowladda Kenya ayaa iska fogeysan eedeymo sheegaya in ay ku lug leedahay dhoofinta sharci darrada ah ee dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo, waxaase hadda soo baxaya tuhun la xiriira in ay askartooda qeyb weyn ka yihiin muuqaaladan la soo tabanayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]