4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay biyo la'aanta soo food saartay qaar ka mid ah gobollada dalka

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda biyo la’aanta ah ee ka taagan qaar ka mid ah gobolada dalka Somaliya oo wabigii uu guray, dadkana ay soo food saartay xaalad adag.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq u diray hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka  ee ka hawlgala Soomaaliya  in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka  in ay lagama maarmaan tahay in hay’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta ee deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo ku noolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydada biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]