3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Wararkii ugu danbeeyay wada hadallo Kenya uga soconaya ONLF iyo Itoobiya

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa wali ka sii soconaya wada hadal u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF oo ah Urur hubeysan oo muddo dheer ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.

Cabdiqaadir Xassan Hirmooge oo ah afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in wada hadalladaasi ilaa iyo hadda si wanaagsan ku socdaan kana filayaan dhinacooda in ay wax wanaagsan ka soo baxaan.

‘’’Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusanyahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiina waa wada hadalnay".

Inkastoo wada hadalladaa uu ka hadlay Hirmooge dhamaan fashilmeen, haddana dhinaca kale waxaa xoojinaya wada hadalladan hadda ka socda Nairobi in ay miiska wada fadhiyaan madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxa’uud Cumar, saraakiil ka socda wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya iyo xubno sar sare oo ka tirsan ONLF.

Hirmooge ayaa sheegay in haddii leysku afgarto wada hadalladan hadda socda uu jiri doono kulan kale oo kan ka ballaaran oo lagu saxiixi doono qodobada lagu heshiiyo.

Muuqalka guud ahaan shirka marka aad eegto dhinacyada wada hadallaya iyo dhaxdhaaxdiyayaasha waa Soomaali, marka laga soo tago tiro kooban oo saraakiil Itoobiyaan ah.

Markii ugu horeysay waxaa miiska dhinaca kale ka fadhiya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo xurgufta ugu badan ay ka dhaxaysay ONLF sanadihii dhawaa kadib dagaalo ay ciidammada Liyuuga ee ismaamulka la galeen dagaalamayaasha jabhadda.

Dhanka jabhadda waxaa waftiga hoggaaminaya guddoomiyaha wadahadalada ee ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey, ahna madaxa arrimaha dibedda jabhadda. Waxaa wehliya saddex xubnood oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/14/2018 4:18 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)-Daqiiqado ka hor waxaa xilkii madaweynaha dalka Koonfur Africa iska casilay Jacob Zuma oo muddo dheerba uu saarnaa cadaadis arintan ku saabsan oo uga imanayay xisbigiisa.

2/14/2018 2:52 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)–Hoggaamiyihii mucaaradka dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa lagu waramayaa in uu daqiiqado ka hor ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga MDC.

2/14/2018 2:37 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa go’aanno adag ka soo saaray isqab qabsiga dhulalka ee ka jira magaalada Muqdisho.

2/14/2018 11:01 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka France u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo.

2/14/2018 8:57 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la dagaalanka dambiyada ee Hawks loo yaqaano ee dalka Koonfur Afrika ayaa aroornimadii maanta weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku leeyahay nin ganacsade ah oo saaxiib la ah madaxweyne Jacob Zuma.

2/14/2018 8:48 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Ergo ka socta waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya, iyagoo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nada ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya.

2/14/2018 7:21 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) -Laga soo bilaabo Sabtidii aynu soo dhaafnay Warbaahinta Online -ka ayaa lagu arkayay muuqaalo iyo sawiro muujinaya dhoofinta dhuxusha oo siweyn uga socta dekedda magaalada Kismaayo.

2/14/2018 4:34 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda biyo la’aanta ah ee ka taagan qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya oo wabigii uu guray, dadkana ay soo food saartay xaalad adag.

2/14/2018 1:01 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)-Dowladda Ethiopia ayaa shalay xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay.

2/14/2018 12:57 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) - Madaxda hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar.

2/14/2018 12:48 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

2/14/2018 12:18 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)–Al-Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay degaanka Ceel-raam oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya.

2/14/2018 12:13 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay xaley rasaas ku fureen gaari uu watay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo marayay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.

2/14/2018 12:09 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL)–Ciidamada Booliska Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, lagu soo oogay dacwad iyo eedo ah inuu laaluush qaatay.