4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Al-shabaab oo xalay madaafiic ku weeraray deegaan ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) – Al-Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay degaanka Ceel-raam oo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa warbaahinta u xaqiiijiyay in ay jirto madaafiicda lagu garaacay degaanka, waxaana ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan Khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi, islamarkaana ay horay u ahaayeen xogta in Al-Shabaab ay ku soo qaadi rabaan weerar.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay maqlaayeen dhawaqa madaafiicda iyo sidoo kale ciidamada Kenya oo jawaab ka bixinaayay.

War kasoo baxay Al- Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu qaaday saldhigga Ceel-Raam uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Kenya, islamarkaana ay si rasmi u beegsadeen Saldhigga ciidamada Kenya.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, waxaana saraakiisha ciidamada Kenya ay sheegayaan in ay waddaan baaritaano.

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku dhawaaqdeen dagaal ka dhan ah dowladda Kenya sanadkii 2011-kii Markii ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay diiradda saareen weerarrada gobollada Kenya ee ku yaalla xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]