4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 14, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo wajahaya eedo musuq maasuq

 

Arbaco, Feberaayo, 14, 2018 (HOL) – Ciidamada Booliska Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, lagu soo oogay dacwad iyo  eedo ah inuu laaluush qaatay.

War ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo lagu dacweyn karo Mr Netanyahu taas oo ah in uu laaluush qaatay, uu misana ku lug lahaa wax isdabamarin iyo weliba in uu amaanada ku jabiyay laba kiis oo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu,ayaa beeniyay Eedeymaha lasoo jeediyay waxaana uu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waxaa uu sheegay in uu shaqadiisa ra’iisul wasaarenimo uu sii wadan doono.

Booliska ayaa sheegay in tifaftiraha wargeyska Yediot Aharonot, Arnon Mozes, ay isna tahay in dacwad lagu soo oogo.

Eedda labaad ayaa ah mid Netahyahu daba socotay tan iyo 2009 iyadoo lagu eedaynayo inuu lacag ka badan $100,000 uu ka helay ninka filimaanta Hollywoodka ka taajiray ee Arnon Milchan iyo taageerayaal kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]