4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Carruur Miino kula qaraxday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) - Hal cunug ayaa ku dhintay mid kalana dhaawac halis ayaa soo gaaray kaddib markii maqrnimadii caawa uu qarax ku helleelay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa HOL u sheegay in Carruurtan ay ku cayaarayeen wax u ekaa kumaca Qoriga Hoobiyaha oo mar kaliya dhawaqiisa la maqlay.

Isla goobta ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah Carruurta halka kan kalana ay goobta ka qaadeen gadiidka gurmad deg deg ah oo durbaba soo gaaray halka ay wax ka dhaceen.

Guud ahaa Soomaaliya marka la eego marar badan ayeey sidan oo kale Carruur Soomaaliyeed ugu geeriyoodeen walxaha qarxa oo si aqoon la’aan ah ay ugu cayaarayeen, halka tiro kale oo badanna ay ku waayeen xubnahoodii qaaliga ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]