4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Jaad la’aan ka jirta magaalada Hargeysa

 

Talaado,Feberaayo 13,2018  (HOL)- Somaliland ayaa maanta laga dareemay Qaad la’aan ka dib markii Itoobiya laga joojisay jaadkii ka iman jirey ee lagu cuni jirey Somaliland.

Dadka cuna jaadka ayaa maanta u ahayd maalin ku adag, waxaanay dhex wareegayeen suuqyadda magaaladda si wax yar uun usoo helaan oo qaadiradda iskaga jabiyaan, waxaana goor dambe la keenay jaad yar oo qaali ah iyadoo Rubucii jaadka ahaa oo markii hore konton kun oo Somaliland shilling la siin jirey maanta lagu iibinayey boqol iyo konton Somaliland shilling, waxaanay jaadkaasi qaali garoobay keentay in dadka qaar isku dayaan inay boobaan, inkastoo markiiba ciidanku soo kala gaadheen, haseyeeshee dad gadoodsan ayaa ku qamaamay jaadkan yar ee yimid ee waliba qaaliga lagu iibinayey.

Qaadka ayaa la hakiyey saddex cisho, iyado wararka sheegayaan in munaasibada qaran ee Itoobiya darteed loo joojiyey, halka qaar kale sheegayaan in shalay isku dhac kale ku yimid Oromadda iyo Soomaalidda taasina ay keentay qaadka la joojiyey.

Haseyeeshee illa hadda dawlada Itoobiya iyo Somaliland midna kama hadal, haseyeeshee dadka ka gacansada qaadka ayaa sheegay in sababta loo joojiyey tahay isku dhaca ku yimid Soomaalida iyo Oromadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.