4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Rabshado ka jira magaalada Dire-Dhabe

 

Talaado, Feberaayo,13. 2018 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xidhan yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday.

Waxaa sidoo kale suuqa ku dhex jira dhalinyaro isku magacawday Qeeroo oo ah dhalinyarada rabshadaha wada, waxayna dhagax shiidayaan tukaan walba ama goobta ganacsiga ee furan.

Haddaba saakay ayaa magaalada Dire-Dhabe waxaa laga dareemayaa cabsi xooggan oo laga qabo in ay sii kordhaan rabshaduhu, taasoo keentay in dadku ay guryaha ka soo bixi waayaan,, meheradaha iyo goobaha ganacsiguna ayaa xiran sida Bangiyada, Xawaaladaha iyo Tukaamada laga adeegto.

Rabshadihii u xoogganaa ayaa haatan waxay ka soconayaan  gaar ahaan xaafadda Gande, iyo dhinaca Lagahare ka socda rasaas xooggan oo ay Askarta Booliska Fadaraalku ay ku ridayaan Rabshad wadayaasha oo hadda iyaguna billabay in ay taayaro gubaaan iyagoo Askartana dhagax shiidaya.

Rabshadahan ayaa socon doona ilaa dhawr maalmood oo dambe, sida ay ku goodinayaan dhalinyarada Qeeroo ee iyagu wada rabshadaha.

Qeeroo waa dhalinyaro Oromo ah oo kacdoonka wada waxayna si toos ah uga amarqaataan Jawhar Maxamed oo inta badan ah ninka Kacdoonada Itoobiya ka socda abaabula, wuxuuna ku nool yahay dalka Mareykanka, 

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbi doonnaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]