4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka Qatar

 

Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL) -Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Oo Maalmahaan howlo shaqo Ku jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Xamza, iyo Mas'uuliyiin ka kala socday hey'adda Jidadka Qadar iyo hey'adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya horumarinta deegaanada Hirshabelle.

Ugu horeyn Madaxweyne Waare ayaa ka mahadceliyay caawimaada dowladda Qadar ee Soomaaliya gaar ahaan Mashruucani lagu  dhisayo wadadaasi oo muhiim u ah dadka reer Hirshabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana  uu sharaxaad ka siiyay Hirshabelle Juqraafi ahaan halka Soomaaliya ay kaga taalo, iyo kheyraadka eebe uu Ka maneystay, iyo  fursadaha maalgashi ee ka jira dowlad goboleedka.

Madaxweynaha iyo xubnahani ka socday dowladda Qadar ayaa Ka wada hadlay dar-dar galinta mashaariicda horumarineed  gaar ahaan dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo uu bur bur xoog leh ka jiro.

 

Xubnahani Ka socday Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go'antahay dar dargalinta mashaariicda Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi oo ku kaceysa 200 oo Milion, waxaana madaxweynaha ay u sheegeen Hirshabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas'uuliyiin Ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle, waxaan uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]