4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Ciidamada dowladda oo dib uga soo baxay deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM dib uga soo gurteen deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa u warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda sababta ay degaanadaasi ay u tageen in aysan aheyn in ay ka sameystaan Saldhigyo.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkaasi uu ahaa in la burburiyo Saldhigyadda Al-shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay ku soo laabtaan saldhigyadooda.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen inta badan degaanadii ay shalay tageen.

Ciidamada dowladda ayaa shalay howlgal ka bilaabeen degaano ay ku sugan yihiin Shabaab.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in ay dib ula wareegeen degaanadii ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]