4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Booliiska Canada oo baaraya dilka Cigaal Daa’uud

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) – Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baaritaano ku aadan  Wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.

Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaari nuuca Raaxadda ah.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in meydka Wiilka oo inka badan 24 saac dhex yaallay Gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay horay u sheegeen in dhalinyaradda Soomaaliyeed dhexdooda ay is dilaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]