3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Culimada Puntland oo fariin la xiriirta arrimaha Xajka u dirtay Puntland iyo Dowladda Federaalka

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) - Culimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay soo saareen bayaan ku wajahan Puntland iyo Dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan arrimaha la xiriira Xajka iyo kharashka laga qaado Xujeyda intaba.

Bayaanka Culimada ayaa sidan u dhignaa :

Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garoowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysanmaamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka,madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada,culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyo cumarada.

Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran:

1- Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada Puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid puntland.

2- Sidoo kale waxaan taageersanahay War-saxaafadeedkii wasiirka cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha Xajka iyo cumrada soomaaliya.

3- Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto dhammaan arrimaha xajka iyo cumrada dibad iyo daakhilba.

4- Waa in ay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u gutaan.

5- Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo cumrada.

6- Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo cumrada.

7- Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka,lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Nairobi,si ay u fududaato arimaha xajka iyo cumrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

 

 













Click here
2/13/2018 12:22 PM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)-Hal cunug ayaa ku dhintay mid kalana dhaawac halis ayaa soo gaaray kaddib markii maqrnimadii caawa uu qarax ku helleelay Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

2/13/2018 9:37 AM EST
Talaado,Feberaayo 13,2018 (HOL)- Somaliland ayaa maanta laga dareemay Qaad la’aan ka dib markii Itoobiya laga joojisay jaadkii ka iman jirey ee lagu cuni jirey Somaliland.

2/13/2018 9:12 AM EST
Waxaan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu soo gaban-gabeeyay doodcilmiyeedka Fagaaraha Forum qeytii 27-aad, taas oo dib u eegis iyo qiimeyn ku sameysay mudadii sanadka ka aheyd ee maamulka Nabad iyo Nolol ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalka ka talinayay.

2/13/2018 7:35 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab xirxireen dad ay ku eedeeyeen in ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

2/13/2018 4:36 AM EST
Talaado, Feberaayo,13. 2018 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Dire -Dhaba ayaa sheegaya in maalintii labaad ay albaabada u xidhan yihiin dhammaan goobaha ganacsiga, sidoo kalana waxaa cidlo ah jidadka magaalada isu socodkuna uu yaraaday.

2/13/2018 3:50 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13. 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Oo Maalmahaan howlo shaqo Ku jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya mudane Xasan Xamza, iyo Mas'uuliyiin ka kala socday hey'adda Jidadka Qadar iyo hey'adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya horumarinta deegaanada Hirshabelle.

2/13/2018 1:30 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM dib uga soo gurteen deegaannadii ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.

2/13/2018 1:10 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)–Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baaritaano ku aadan Wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.

2/13/2018 1:01 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay malaayiin dollar ka sameeyaan lacagaha deeqaha ah ee la siiyo dalka Soomaaliya iyo gargaarka loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

2/13/2018 12:18 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018.

2/13/2018 12:13 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)-Saraakiisha ugu sareysa Xisbiga Taladda haya ee dalka Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah uga dalbaday Madaxweynaha dalkaasi in uu xilka ka dego.

2/13/2018 12:07 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) - Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa heshiis la gaaray shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo lagu wado inay dhisto, isla-markaana ballaariso Dekedaha Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

2/13/2018 12:03 AM EST
Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)-Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgal ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Al-shabaab.