4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Jacob Zuma oo laga dalbaday in uu deg deg isku casilo

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL) - Saraakiisha ugu sareysa Xisbiga Taladda haya ee dalka Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah uga dalbaday Madaxweynaha dalkaasi in uu xilka ka dego.

Madaxwaynaha dalka Koonfur Afrika Jacob zuma ayaa la sheegay in loo qabtay muddo 48 saacadood gudahood ah in uu isku casilo, waxaa sidaasi bahisay warbaahinta dowladda ee SABC.

Kulan ay yeesheen ayay ku sheegeen in madaxweynaha uu dalka ku fashilmay , islamarkaana uu lumiyay kalsoondii Shacabka.

Qofna hadal ma jeedin kulanka ka dib , balse warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in kulankaasi si rasmi ah loogu go’aansaday in laga dalbaday madaxwaynaha in uu iscasilo.

Warar aan la xaqiijin ayaa muujinaya in Mr Zuma uu ogoladay in uu iscasilo balse uu dalbaday in muddo saddex bilood ah uu xafiiska sii joogo.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda u arka jahwareerka ka dhex jira ANC in uu yahay mid aa micno badan ku fadhin.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Economic Freedom Fighters horeyna u ahaa hogaamiyaha garabka dhalinyarada ee ANC Julius Malema, ayaa kulanka saraakiisha xisiga ANC ay yeesheen ku tilmaamay mid aan faa’ido lahayn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]