4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 13, 2018
Taliska militariga oo sheegay in ay bur buriyeen Idaacadii Al-shabaab ee Anduluus

 

Talaado, Feberaayo, 13, 2018 (HOL)-Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgal ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Al-shabaab.

Jen Caanood ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu burburiyay Idaacad FM ah oo sida uu hadalka u dhigay Al-shabaab u isticmaali jireen dacaayadaha taa oo lagu magacaabo Anduluus.

Waxaa uu intaa ku darray in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gacanta ku dhigeen, kaddibna burburiyeen Labo gaari Qaraxyo siday.

Ciidamada dowaldda ayuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]