4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Ciidanka amniga Somaliland oo gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle saakay nin ku dilay magaaladda Hargeysa

 

Isniin,Feberaayo 12,2018  (HOL)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle saaka nin Toorey ku dillay magaaladda Hargeysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay in gacan ku dhiigle Farxaan Ibraahim Cabdilaahi uu saakay toorey ku dilay marxuum magaciisa la odhan jirey Caydaruus Xasan Aar Gaas oo isla markiiba halkaasi ku geeriyooday.

“Saakay abaaro sideedii iyo labaatan daqiiqo ayuu gacan ku dhiigle Farxaan Ibraahim Cabdilaahi uu toorey ku dilay marxuum Caydaruus Xasan Aar Gaas, waxaana shilkani ka dhacay xaafadda Siiney ee magaaladda Hargeysa, markii ciidanka amnigu ka warhelay markiiba waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka gaystay waxaana si degdeg ah loo horkeeni doona maxkamadda”ayuu yidhi Faysal Xiis.

Dhinaca kale, waxa uu ciidanku sheegay inay ciidanku dagaal kula jiraan dad qaabab casri ah khamriga usoo galiya magaalooyinka, isagoo sheegay inay khamri badan soo qabqabteen , iyadoo kuwii siday iyo gaadiidkiiba sharciga la horkeenay

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.