3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM oo lagu weeraray gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Isniin, Feberaayo,12, 2018 (HOL) - Qarax Miino ayaa kololyo ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM lagula eegtay duhurnimadii maanta duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM, xilli uu marayay degaanka Il-baq oo ku yaalla duleedka magaalada Balcad, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Qaraxa kadib ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM ayaa la sheegay in ay fureen rasaas, taasi oo ay kaga jawaabayeen qaraxa Miinada ah ee lala eegtay, inkastoo rasaastaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana warar horudhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in Qaraxan uu khasaare ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Ciidamo Soomaali ah ayaa la socday ciidamada AMISOM xilliga qaraxaan lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaannada Haansheekh iyo Golaley oo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/12/2018 10:03 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay eedeyn uga timid ganacsatada gobolka Banaadir oo sheegay in si gaar loogu soo rogay canshuurro dheeraad ah.

2/12/2018 9:45 AM EST
Isniin, Feberuary,12,2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa eedeen usoo jeediyey shirkad maalgashi oo la sheegay inay Somaliland leedahay oo wadanka Imaaraadka Carabta laga diiwaangaliyey.

2/12/2018 9:40 AM EST
Isniin,Feberaayo 12,2018 (HOL)- Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiigle saaka nin Toorey ku dillay magaaladda Hargeysa.

2/12/2018 6:09 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saakay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.

2/12/2018 5:46 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)-Mas'uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegaya in ay darsayaan dhawr arrimood oo ay suurtagal tahay in ay sababeen in ay soo dhacdo diyaarad ku burburtay meel ka baxsan magaalada caasimadda ah Moscow.

2/12/2018 2:59 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari xamuul oo mareeyay deegaan dulleedka Waqooyi ka xiga degmada miino la qaraxday.

2/12/2018 1:48 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in lala xisaabtamayao Taliyeyaasha Ciidamada ee ka howlgala saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliya.

2/12/2018 1:13 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee Gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

2/12/2018 1:06 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay maqaamka Muqdisho.

2/12/2018 12:51 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay sida ay hadalka u dhigeen xoogag iyaga ka tirsan dilal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo.

2/12/2018 12:37 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa sheegtay sanadkii la soo dhaafay xeebaha Puntland in ay ka Tahriibeen dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 35,000 oo qof, kuwaasi oo u badan dhalinyaro.

2/12/2018 12:30 AM EST
Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu qabtay mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya hormarka .