4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Darawal ku dhintay gaari xamuul ah oo ay miino kula qaraxday dulleedka degmada Balcad

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in gaari xamuul oo mareeyay deegaan dulleedka Waqooyi ka xiga degmada miino la qaraxday.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay darawalkii wada gaariga xamuulka ah oo magaciisa lagu soo kooban Bashiir, halka sidoo kalana uu ku dhaawacmay kaaliyihiisii.

Goobta gaarigan xamuulka ah miinadu kula qarxday oo lagu magacaabo Haanta-Sheekh ayaa sidoo kale waxaa ay horay dhowr jeer lagu beegsaday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya.

Gaadiidleyda isticmaasha Waddada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ayaa saaka cabsi xoog leh soo wajaday waxayna rakaabka gaadiidka Plka ay muujinayaan cabsi la xiiirta marista wadada laamiga ah gaar ahaan halka loo yaqaan Haan Sheekh oo wadadu ay ka burbursan tahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka Sh/dhexe ee la xiriira gaariga ay miinadu la qaraxday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]