4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2018
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in lala xisaabtamayo taliyayaasha saldhigyada

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) - Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in lala xisaabtamayao Taliyeyaasha ciidamada ee ka howlgala saldhigyada ciidamada Booliska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan hay’adaha garsoorka war=bixino qaldan.

Taliyeyaasha ciidamada waxaan u sheegeynaa in ay jiri doonaan isla xisaabtan adag, cabashoyin badan ayaa lagala kulmaa saldhigyada, qofkii shaqo wanaagsan sameeya waala abaalmarinayaa, balse cidii xad gudub sameysa si adag ayaa loola xisaabtami doonaa” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]