Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Saraakiisha Booliiska Kenya ayaa sheegay
in ay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu
dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee gobolka
Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.
Dagaalamayaashan ayaa ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhiga, waxaana
booliska ay sheegeen in lagu dilay dagaal socday muddo labo saacadood
Taliyaha Booliska Gobolka Wajeer Stepehen Ngeitich ayaa sheegay inay jiraan
dagaalamayaal kale oo u baxsaday dhanka keymaha.
Ciidamo fara badan oo kenyan ah ayaa la geeyay dhinaca xuduuda Kenya iyo
Soomaaliya, si ay u baadigoobaan kooxdii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerartay
Saldhiga Booliska.
Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysanayay gudaha Kenya,
gaar ahaan deegaanada xadka u dhow.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]