4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Axmed Madoobe : Arinta Maqaamka Muqdisho waa mid dastuuri ah

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay maqaamka caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay maqaamka Muqdisho.

Wuxuu sheegay maqaamka caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo in ay heystaan madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qaxeexo maqaamka caasimadda iyo mida Gobolka, qof walba oo Soomaali ahna ay dan ugu jirto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen in ay ku baaqayeen in la dadejiyo  Maqaamka Caasimadda, wuxuuna sheegay in isaga uu horboodi doono dadka u doodaya maqaamka Muqdisho, taasi bedelkeeda wuxuu dalbaday in la yareeyo in la isku xanto arrintan.

“Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli xalay uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabad casho sharaf aheyd oo maamulka gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda dowlad Goboleedyada oo ka qeyb galay shirka golaha Amniga oo 10-kii bishan la soo gaba gabeeyay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo 21-kii bishii January 2018 uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay wax-yaabaha xilkiisa uu ku waayay in ay ka dhasheen laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho, waxayna tani muujineysaa in madaxda dowladda Federaalka aysan la dhacsaneyn Maqaamka caasimadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]