4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 12, 2018
Ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay dilal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo

 

Isniin, Feberaayo, 12, 2018 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay sida ay hadalka u dhigeen xoogag iyaga ka tirsan dilal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa sheegtay dilka ka dhacay magaalada Baardheere in lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Axmadey.

Sidoo kale Idaacadda Andalus ayaa sheegtay xoogaga ururka Al-shabaab ee dilka geystay in ay qaateen Qoriga iyo Booshkii uu watay Askariga, islamarkaana halkaasi ay ka baxsadeen raggii dilka geystay.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegay in gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ka fuliyeen dilal loo geystay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashada ururka Al-Shabaab ee dilalkan ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Hiiraan  ma jirto ilo madax banaan iyo Saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo warkan xaqiijinaya.

Magaalada Beledweyne howlgal ciidamada dowladda ay ka sameeyeen maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo qabqabtay dad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, kuwaa oo ku eedeysan in ay magaalada ka wadeen falal Amniga ka dhan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]