3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Sagaal qof u qabatay iyagoo ka ganacsanaya xayawaanka Diinka

 

Axad, Feberuary,11 2018 (HOL) – Wasiirka horumarinta reer Miyiga iyo deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondaro ayaa sheegay in sagaal qof loo qabtay Diiman la doonayo in la dhoofiyo.

Wasiirka wasaaradda ayaa sheegay in sagaalka qof loo gudbiyey maxkamada degmadda Hargeysa,isla markaana sharciga la marin doonno qof kasta oo lagu qabto isagoo xayawaan iibinaya.

“maalmo dhoweyd waxaanu aragnay dad caasho Badhi raadinaya oo godkay gashaba ka daba galaya waxaana la ii sheegay in labaatan dollar lagu iibinayo ma garanayo cidda iibsanaya”ayey tidhi wasiir Shukri Boondaro.

Sidoo kale, waxay sheegtay in sagaal qof loo hayo Diin gaadhi lagu waday oo la iibinayey, waxaanay sheegtay in ciidanka amniga loo xil saaray in gaadiidka la baadho si ugaandho u badbaado.

 

“imika waxaanu qabanay sagaal qof oo Diiman sita oo soo iibinaya, diimankan aanu qabanay waa kuwo waaweyn oo aad u calculus dadka waxa lagu yidhi sida u kala culus yihiin ayey u kala lacag badan yihiin, marka warbaahintana waan ka sheegay in aan la ogolaan doonin lagu qabto Diin oo iibinaysa”ayuu tidhi Shukri Boondaro.

Si kastaba ha ahaatee, Dad badan ayaa soo raadsada Diiman si ay u iibgeeyaan, waxaana wararku sheegayaan in lacag badan lagu kala siisto magaaladda Muqdisho diiman oo lagu iibiyo, taas ayaa keentay inuu suuq noqdo oo Diinkii laga soo urursado miyiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland













Click here
2/11/2018 10:02 AM EST
Axad,Feberaayo 11,2018(HOL)- Somaliland ayaa labaddii cishe u dambeeyey shiidaalkii kor u kacay, islamarkaana gaadiidleydii isticmaali jirtay ay cab asho ka muujiyeen.

2/11/2018 9:51 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xoojin doono duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

2/11/2018 9:38 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) -Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

2/11/2018 5:24 AM EST
Axad,, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo arrimaha socdaalka wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD, kaa oo ay ka qeygalayaan xubnaha.

2/11/2018 4:29 AM EST
Axad,, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) -Iyadoo wali aan la soo magacaabin muddo ka badan saddex bilood xilalka taliyayaasha Nabad-sugida iyo Booliiska, ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladdiisu u magacaabi doonoto xilalka taliyayaasha wali bannaan.

2/11/2018 1:35 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Suuriya.

2/11/2018 12:39 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Waxaa soconaya dadaallo dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liibiya sida uu sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.

2/11/2018 12:19 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladu degan kaddib dagaal culus oo xalay halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

2/11/2018 12:15 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Kurdiyiinta ayaa xaqiijiyay in ay soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo ay leedahay dowladda Turkiga gobolka Afrin ee dalka Suuriya.

2/11/2018 12:11 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Guud ahaan degmooyinka dalka Jabuuti waxaa ka socda ololaha doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

2/11/2018 12:08 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyay Wadaaga Kheyraadka Badda iyo sharciga Kaluumeysiga kaddib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho.

2/11/2018 12:05 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah oo dhinayadu ku heshiiyeen.