4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Somaliland oo Shiidaalkii kor ugu kacay iyo saameynta uu ku yeeshay shacabka


Axad, Feberaayo 11,2018  (HOL)- Somaliland ayaa labaddii cishe u dambeeyey shiidaalkii kor u kacay, isla markaana gaadiidleydii isticmaali jirtay ay cab asho ka muujiyeen.

Shiidaalka kacay waxa uu saameeyey danyartii markii horeba sicir bararka la dhibaataysnayd, waxaanay sheegeen inay hal mar ku waabariisteen kor u kaca ku yimid Shiidaalka.

Maalin ka hor wuxu Tobanka litir ee Patroolka lagu iibin jirey 7.5 dollar, halka maanta uu marayo 8.5 dollar, sidoo kale, Naaftadda Tobanka Litir waxa hore loo siin jirey lix iyo badh dollar, halka uu imika marayo toddobada iyo badh dollar.

Illaa hada lama garanayo waxa kiciyey shiidaalka iyadoo aduunka kale aan la sheegin in uu ka kacay, haseyeeshee kaalmaha ayaa ku eedeeyye inay shiidaalka kiciyeen shirkadaha maamula haamaha shiidaalka oo kolba waxay doonaan siiya shiidaalka iyadoo caalamka kale aanu ka kicin.

Shiidaalkankan ka kacay waxa uu saamayn togan ku yeelanaya qoysaskii oo hadda aad u isticmaala, Gaadiidka iyo warshadaha Laydhka oo iyaguna markay maqlaan shiidaal baa la kordhiyey markiiba dadka si gaara lacago badan.

Dhinaca kale, wasiirka Ganacsiga,ayaa la shiray shirkadaha keenna Shiidaalka, waxaana shir socday saacado badan laga soo saaray go’aamo shiidaalka lagu iibin doonno.

Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Saajin ayaa go’aamadan soo saaray waxa uu yidhi “Shirkadaha dibada ka keenna suuqa ayaa keenay inay kordhiyaan laakiin dadka kaalmaha wax daruuri ahi kuma keenin kordhinta waxaanu nidhi wax ka tanaasula waxaana meesha ka saarayaan kordhintii, waxaana Naaftadda halka Litir lagu iibinayaa Todoba kun iyo laba boqol oo shiling Somaliland, halka Patroolka sideed kun iyo laba boqol shiling Somaliland.”

Go’aamadan laga soo saaray aan wax weyn ka dhimayn qiimihii lagu kordhiyey, isla markaana shirkadaha dibadda ka keenay ka jawaabin sababta u kordhiyeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.