4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Madaxweyne Farmaajo : Waxaan u baahannahay si loo ciribtiro Al-shabaab iskaashi caalami ah

 

Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xoojin doono duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Al-shabaab aan lagula dagaalami karin oo kaliya ciidamo dhulka ah, laakiin loo baahan yahay iskaashi heer caalami ah, isaga oo soo dhaweeyay duqeymaha Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in duqeymaha ay ka mid yihiin tilaabooyinka looga hortaggikaro weerarrada Al-Shabaab.

Isaga oo ka hadlayay sida ay dowladdu ugu guuleysatay wax ka qabashada Amniga ayuu yiri’’ Waxaad ogtihiin Qarax ka dhaca magaalada Muqdisho waxaa ugu danbeysay 28kii October weerarkii Hotelka Naasa-Hablood, waxaa muuqata in shaqo wanaagsan wixii waqtigaa ka danbeeyay laga qabtay Amniga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay waqti gaaban sida uu hadalka u dhigay in lagu soo afjari karo Al-shabaab iyo Ururada kale ee la mid ah ee dagaalama Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]