3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 11, 2018
Ganacsatada gobolka Banaadir oo ka cabanaya canshuur ay soo rogtay wasaaradda Maaliyadda

 

Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) -Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

Kulan maanta ku yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayey uga soo horjeesteen canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay ganacsatada gobolka oo kaliya, waxa ayna sheegeen in ay raali ka yihiin hadii guud ahaan ganacsatada si isku mid ah canshuurta loogu kordhiyo.

Ali Dhoore oo ku hadlayay magaca ganacsaada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ganacsatada aysan waxba kala soo degin Dekadda Muqdisho mudo isbuuc ah, waxa uuna xusay in ganacsatada aysa raali ka aheyn canshuur kordhinta.

Ganacsatada maanta kulanka yeeshay ayaa ugu baaqday Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya in ay soo faro galiyaan canshuur kordhinta lagu sameeyay ganacsatada gobolka Banaadir.

Ujeeddo: Warsaxaafadeed ka soo baxay Ganacsatada G/Banaadir.

Annaga oo ah Ganacsatada Gobolka Banaadir waxaan Cabasho ka qabnaa Canshuuraha xad dhaafka ah ee sida gaarka ah dusha looga saaray Ganacsatada Gobolka Banaadir taas oo sababtay in ganacsatadu ay ku khasaaraan Badeecooyinka ay ka soo dejiyeen Dekeda Muqdisho..

 

Asbaabta Cabashadeena oo faah faahsan.

=   Dekeda Muqdisho waxaa ay ka qarash iyo Canshuur badan tahay Dekedaha kale ee ka jira Soomaaliya inteeda kale taas oo sababtay in Ganacsatada Muqdisho ay ku khasaaraan Badeecada ay ka soo dejiyaan Deskeda Muqdisho maadaama ayna la tartami karin Badeecadaha kale laga soo dejiyo Dekedaha kale wadanka oo laga qaado Canshuur ka yar tan laga qaado Ganacsatada Muqdisho.

=  Waxaan xusuusineynaa madaxda Dowlada in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay tahay ganacsatada ugu Canshuur bixin badan Dalka Soomaaliya oo dhan ayna si gaar ah isga xilsaareen dhismaha Wadooyinka Muqdisho iyo arimaha la xariira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul ee dhibaatadu ka soo gaartay Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee wadanka kajira.

=   Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ee sida gaarka dusha looga saaray ganacsatada Gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyso maadaama ay shirkada waaweyn oo ganacsi ay kaceen ayada oo ay isku biirsatay Duruufaha dhaqaala xumada ee wadanka kajira iyo canshuuraha xad dhaafka ee Dekeda Muqdisho looga qaado iyo Canshuuraadka kale ee hada dusha laga saaray ganacsatada Muqdisho.

=   Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradda maaliyada in ay si ku mid ah oo loo wada siman yahay uga qaado Canshuuraha dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed lagana daayo Ganacsatada Gobolka Banaadir Culeyska Canshuureed ee sida gaarka ah loogu haayo.        

Ganacsatada ayaa ugu danbeyntii ka codsaday madaxda dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, in ay soo faragiliyaan arintaan waxna laga qabto dhibaatada haysatada Ganacsatada Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]













Click here
2/11/2018 11:09 AM EST
Axad,Feberuary,11 2018 (HOL)–Wasiirka horumarinta reer Miyiga iyo deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondaro ayaa sheegay in sagaal qof loo qabtay Diiman la doonayo in la dhoofiyo.

2/11/2018 10:02 AM EST
Axad,Feberaayo 11,2018(HOL)- Somaliland ayaa labaddii cishe u dambeeyey shiidaalkii kor u kacay, islamarkaana gaadiidleydii isticmaali jirtay ay cab asho ka muujiyeen.

2/11/2018 9:51 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xoojin doono duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

2/11/2018 5:24 AM EST
Axad,, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo arrimaha socdaalka wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD, kaa oo ay ka qeygalayaan xubnaha.

2/11/2018 4:29 AM EST
Axad,, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) -Iyadoo wali aan la soo magacaabin muddo ka badan saddex bilood xilalka taliyayaasha Nabad-sugida iyo Booliiska, ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo in sida ugu dhaqsiyaha badan dowladdiisu u magacaabi doonoto xilalka taliyayaasha wali bannaan.

2/11/2018 1:35 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisadda u dhaxaysa Israa'iil iyo Suuriya.

2/11/2018 12:39 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Waxaa soconaya dadaallo dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liibiya sida uu sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.

2/11/2018 12:19 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladu degan kaddib dagaal culus oo xalay halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

2/11/2018 12:15 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Kurdiyiinta ayaa xaqiijiyay in ay soo rideen diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo ay leedahay dowladda Turkiga gobolka Afrin ee dalka Suuriya.

2/11/2018 12:11 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Guud ahaan degmooyinka dalka Jabuuti waxaa ka socda ololaha doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

2/11/2018 12:08 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL)–Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyay Wadaaga Kheyraadka Badda iyo sharciga Kaluumeysiga kaddib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho.

2/11/2018 12:05 AM EST
Axad, Feberaayo, 11, 2018 (HOL) – Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah oo dhinayadu ku heshiiyeen.